Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
SBS Somali News - Warkii Australia iyo caalamka: Jimce 5 December 2025
05/12/2025 Duration: 09minDigniin ku saabsan kulayl aad u sarreeya ayaa laga soo saaray inta badan gobolka New South Wales, iyadoo la filayo in heerkulku qaybo ka mid ah magaalada Sydney uu gaaro 40°C. Sharci ay soo wada saareen dowlad-goboleeyada Australia ayaa dhigayaa in haddii hal dowlad-goboleed ay qof ka mamnuucdo haysashada, Working with Children Check, ay sidoo kale, kuwa kalena ka mamnuucayaan.
-
Somalia News - Warka Soomaaliya ee Jimce 5 December 2025
05/12/2025 Duration: 08minMadax-weynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo xidhay shirweynihii 6aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka Soomaaliya. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa isna sheegay in ciidanka asluubta oo xaalad adag ku shaqeeya laga been sheegay.
-
A parent’s guide to help teens adjust to social media age restrictions - Hagaha Waalidka: Sid dhallinta loogu diyaariyo mamnuucidda baraha bulshada
05/12/2025 Duration: 10minAustralia is restricting access to social media accounts for under-16s, and many families are wondering what it means in practice. While the rules place responsibility on tech platforms rather than young people or their parents, the changes may still create stress for teens who rely on social media to stay connected. Find out how the ban will work, why connection still matters, and how experts suggest supporting young people through the transition. - Australia ayaa caruurt ka yar16-jir ka xaddideysa baraha bulshada, waana arrin ay qoysas badani ka walaacsan yihiin. In kasta oo ay xeerarku mas’uuliyadda saarayaan shirkadaha, ayay haddana culays saari kartaa waalidka iyo caruurta baraha u isticmaasha xidhiidhka. Wax ka ogow sida mamnuuciddu u shaqayn doonto, sida xidhiidhka carruurtu weli muhiim u yahay iyo talada ay bixiyeen khubaradu.
-
'Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo eey': Maxaa Maxamed kaga dhacay xabsiyada socdaalka Australia
04/12/2025 Duration: 13minKoox ka socota Qaramada Midoobay oo u qaabilsan Kormeerka xirista sharci-darada ah, ayaa baaraysa sida dadka soo-galootida ah looga qaado xorriyaddooda ha noqoto in lagu xiro xabsiyo dalka gudihiisa ah, ama kuwo ka baxsan-ba’e.
-
SBS News Somali: Warkii Khamiista 4 December 2025
04/12/2025 Duration: 05minToban ka mid baraha bulshada ayaa waajihi doona ganaax dhan konton million oo doollar ($50 million) haddii ay 10 December masixi waayaan dhammaan koontooyinka dadka Australiyaanka ah ee ka yar 16 jir.
-
SBS News Somali: Warkii Arbaca 03 November 2025
03/12/2025 Duration: 11minDowladda Federaalka Australia ayaa doonaysa in dacwad-wadareedka ka dhanka ah ciidanka difaaca dalka (ADF), laga saaro eedeymaha la xiriira tacaddiyada galmada iyo takoorka ee ka dhacay dalka dibaddiisa
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya ee Arbaca 03 November 2025
03/12/2025 Duration: 10minAfartan iyo saddex (43) ka mid ah ururrada siyaasadda ee diiwaan gashan oo ka shiray habka loo wajahayo qabashada doorashooyinka. Xaruunta wasaaradda qorshaynta Soomaaliyana waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey dardar gelina gurmadka abaaraha Soomaaliya ka jira.
-
Diiratada (larvae farms) ayaa xal looga helay dhibaato $38 billion oo doollar ah
03/12/2025 Duration: 09minHaweeney la yiraahdo Olympia Yarger [[Yar-gah]], ayaa waxay alliftey nidaam looga faa’ideysto, haraaga cuntada iyada oo u adeegsatey cayayaan la yiraahdo, Black Soldier Insects. Waa nooc ka mid ah, cayayaan ku jira maraxaladda diiratada ama dirindiirta oo ah wejiga labaad ee nolosha aymaraan cayaayaanku inta aanay u gudbin wejiga duulista ah kan ay fidsadaan baalasha.
-
Codsigii cafiska ee Netanyahu oo sababay cadho iyo debedbaxyo
03/12/2025 Duration: 10minIsrael waxaa ayaamahan ka socda gilgil siyaasadeed kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si rasmi ah, codsi cafis-doon ah ugu gudbiyay Madaxweyne Isaac Herzog , isagoo raba in laga cafiyo dacwaddiisa weli socota ee ku saabsan musuqmaasuqa.
-
SBS News Somali - Warka Talaado 02 November 2025
02/12/2025 Duration: 03minXubno ka tirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Xiritaanka Sharci-darro (UN Working Group on Arbitrary Detention) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Australia 1–12 December, si ay u eegaan xaaladaha xabsiyada, saldhigyada booliska iyo xarumaha lagu hayo dhalinyarada.
-
Dambkaymeedka halistiisa korodhay oo laga digey xilligan summer-ka
02/12/2025 Duration: 05minXilligii kulaylaha ee summer-ka la yiraahdo, ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabmay Australia. Dadka Australian-ka ayaa sidaa darteed lagu boorrinayaa in aanay is dhiggannin oo ay ammaankooda ilaaliyaan.
-
Albo Wedding - Arooskii Ra'iisal Wasaarha Australia
01/12/2025 Duration: 05minRa’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo lamaantiisa Jodie Haydon ayaa maalinkii sabtida ee November ahayd 29 isku guursaday, maglaada Cambera, halkaas oo ay ka dhacday xafladdii meherkoodu.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 01 December 2025
01/12/2025 Duration: 05minKor-joogaha madaxa bannaan ee dowladda Australia u qaabilsan Internet-ka, ayaa sheegaysa in baabuurta casriga ah – ee loo yaqaan smart cars – loo adeegsanaayo in lagu basaasao laguna raadraaco haweenka la kulma tacaddiyada guryaha. Godka tareennada hoos maraan ee Metro Tunnel oo ku yaalla Melbourne ayaa 24 saacadoo guduhood adeegsaday in ka badan 70,000 oo rakaab markii ugu horreysey ee la furay.
-
SBS Somali Full Program - Barnaamijkii jimcaha 28 November 2025
30/11/2025 Duration: 50minDhegeyso barnaamijkii jimcaha 28 November 2025 oo dhammays tiran oo laga reebay xayaysiiskii.
-
SBS News Somali: Warka Jimcaha 28 November 2025
28/11/2025 Duration: 08minBooliiska Victoria ayaa xidhay nin 18 jir ah oo la qabtay isagoo baabuur ku wadey in ka badan 220 km saacaddiiba. Ruushka iyo Ukraine-na labo hadal oo kala duwan bay ka sheegeen wadahadallada heshiiska joojinta labada dal.
-
Somalia News - Warkii Soomaaliya 28 November 2025
28/11/2025 Duration: 10minShirweynihii 3aad ee culimada Soomaaliyeed ee Muqdishu ka socdey ayaa soo xidhmay. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya ayaa ka soo qayb galay xidhitaanka. Waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed.
-
‘I felt powerless’: Dalabyo lagu xoojinayo aqoonta sharci ee dhibbanayaasha kufsiga
27/11/2025 Duration: 14minShantii dumar ahba midkood iyo 16-kii rag ahba midkood ayaa gudaha Ausrtarlia kula kulmay tacaddiyada galmada iyagoo qaangaar ah. Sidaa ay tahay, haddana 92% dumarka ahi ma soo sheegaan tacaddigii ugu dambeeyay ee lagula kacay. Waxaa lagu baaqay in kor loo qaado aqoonta sharciga ee dhibbanayaasha, si ay uga caawiso inay fahmaan nidaamka cadaaladda ee adag isla markaana hoos loo dhigo heerka ay dacwadaha kufsigu ku burburaan.
-
Kirada guryaha Australia oo cirka gashay iyo Perth oo ugu qaalisan
27/11/2025 Duration: 08minInkasta oo heerarka dulsaarka ee deynta guryaha la iibsado ay hooseysey muddo, haddana waxaa weli gudaha Australia ku yar, haddiiba la helana lacagta kiradu qaali ku tahay, guryaha kirada ah. Magaalada Perth ayaa hadda ah meesha celcelis ahaan ugu kiro qaalisan.
-
SBS News Somali - Warka Khamiis 27 November 2027
27/11/2025 Duration: 05minRa'iisal wasaare Anthony Albanese, ayaa heshiis la gaarey xisbiga Greens-ka, ku saabsan wax-ka-beddelkii sharciga deegaanka. Waddanka guinea-Bissau-na ciidanka militeriga ayaa inqilaab kula wareegey xukunka dalka.
-
SBS News Somali - Warkii dalka iyo caalamka 26 November 2025
26/11/2025 Duration: 10minHoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, ayaa laga mamnuucay inay soo fadhiisato aqalka senetor-rada toddoba fadhi. Warbxinna waxaa lagu ogaaday in kumanyaal Ausralian ahi, qabaan cudurka Sonkorowga qaybtiisa Type 1, iyaga oo aan ogeyn.